David Villa ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee kusoo dhaweeya Pirlo tababarka kooxda New York City Arbacadii iyadoo xidiga reer Talyaani uu dhawaan kusoo biiray kooxdaan reer Mareykan.
Frank Lampard ayaan kasoo muuqan tababarka kaas oo wali dhaawac ku maqan, wuxuuna dhibaato ka qabaa kubka.
Halyeeygaan reer talyaani kaas oo 36-jir ah ayaa kusoo biiray kooxdaan dhawaan xili uu afar sano kusoo qaatay kooxda Juventus isagoo u hogaamiyay iney ku guuleysato xili ciyaareed walba horyaalka Serie A-da, sidoo kalana finalka koobka horyaalada yurub ayuu geeyay xagaagii dhamaaday,
Jamaahiirta New York City ayaa sugi doona bandhiga ugu horeeya Pirlo ee kooxdiisa cusub wuxuuna kulankiisa ugu horeeya ka hortagi doonaa kooxda Orlando City oo uu hogaamiye u yahay saaxiibkiisii Milan Ricardo Kaka, wuxuuna kulankaas qabsoomi doonaa 26-ka July.
Isniintii Pirlo ayaa macsalaameyn qurux badan ku sagootiyay dhamaan maamulka iyo ciyaartoyda kooxda Juventus isagoo ku booqday xarunta kooxda ka hor inta uusan usoo duulin mareykanka.
SAWIRO: