Home » Horyaalada » La Liga Spain » Andreas Iniesta Oo Abaalmarinta Cagta Dahabka Ku Garaacay Pirlo, CR7, Henry, Rooney & Ribery

Andreas Iniesta Oo Abaalmarinta Cagta Dahabka Ku Garaacay Pirlo, CR7, Henry, Rooney & Ribery


Iniesta

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, balse markaan waxaa lagu garaacay abaalmarinta cagta dahabka madama uu ku guuleystay kubad sameeyaha reer Spain iyo kooxda Barcelona Andreas Iniesta.

Andreas Iniesta oo ka tirsan Barcelona ayaa abaalmarintaan ku garaacay sidoo kale xidigaha Andrea Pirlo, Wayne Rooney, Manuel Neuer, Yaya Toure,Thierry Henry, Marta & Thiago Silva.

Xaflad ka dhacday magaalada Monaco ee dalka faransiiska ayaana xidigaan lagu gudoonsiiyay abaalmarintaan iyadoo ay ku wehlisay xaaskiisa Anna Ortiz, wuxuuna kula biiray liiska xidigaha mar ku guuleystay abaalmarintaan Ryan Giggs, Didier Drogba iyo Zlatan Ibrahimovic kuwaas oo ah sadexdii xidig ee ugu dambeysay.

Dhanka kale abaalmarintaan waxaa u tartami kara kaliya xidigaha da’dooda ay ka weyn tahay 28-ka, waana 30-jir waqtigiisa ku qaatay garoonka Camp Nou ee gobolka Catalonia.

Sidoo kale abaalmarintaan waxaa lasoo bilaabay sanadii 2003, iyadoo xidigii ugu horeeyay ee ku guuleysta uu noqday Roberto Baggio oo waqtigaas ka tirsanaa kooxda Brescia ee dalka talyaaniga.

SIDA LOOGU KALA GUULEYSTAY:

2003 – Roberto Baggio, Brescia

2004 – Pavel Nedved, Juventus

2005 – Andriy Shevchenko, AC Milan

2006 – Ronaldo, Real Madrid

2007 – Alessandro Del Piero, Juventus

2008 – Roberto Carlos, Fenerbahce

2009 – Ronaldinho, AC Milan

2010 – Francesco Totti, Roma

2011 – Ryan Giggs, Manchester United

2012 – Zlatan Ibrahimovic, PSG

2013 – Didier Drogba, Galatasaray

2014 – Andres Iniesta, Barcelona

SAWIRO DHEERI AH

INiesta1

Iniesta2

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>