Kadib markii naadiga Barcelona ay bar bar dhac 2-2 la gashay kooxd Sevilla haatana ay hogaanka La Ligaha Spain kaga hayaan Real Madrid 2-dhibcood oo qura.
Andres Iniesta ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan nasiino u oolin inta ka harsan xili cayaareedkan sidoo kalena xidigaha kooxdiisa wuxuu ka dalbaday inay dadaalkooda sii laba laabaan.
“Muhiimada waxay tahay inaan weli hogaamiyaasha La Ligaha nahay sidoo kalena mudoa yar todobaad ayaan heesanaa si aan u falanqeyno wixii naga qaldamay”
“Ma ahan goob sahlan in garoonka Sevilla lagu badiyo sidaa darteed dib u dhac uma arko bar bar dhacay aan galnay balse waxaa muhiim ah inaan horey usii socono”
“Barcelona nasiino uma taalo inta ka harsan xii cayaareedkan waxaana ku qasbanahay inaan kulankan si adag u cayaarno”
Barcelona iyo Real Madrid waxaa u harsan min 7-kulan La Ligaha Spain sidaa darteed loolanka hanashada horyaalka inuu socon doono ilaa dhamaadka xili cayaareedkan waa mid iska muuqato.
Waxaana haatan xidigaha Barcelona saaran cadaadis xoogan madaama farqiga u dhaxeeyo ayaga iyo Real Madrid uu kaliya labo dhibcood yahay.