Garabka reer Argentina ee kooxda Man United Angel Di Maria kaas oo xili ciyaareed fool xun ku qaatay kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda iyo hadii uu kusii nagaan doono EPL–ka xagaaga soo aadan.
Di Maria ayaa noqday saxiixii ugu qaalisanaa oo ay soo iibsato koox ka dhisan dalweynaha Britain isagoo bilowgii xagaagii hore ku yimid Old Trafford aduun dhan 59.7 Malyan Oo Pound, balse ma noqon sidii laga rajeynayay.
Si kastaba 27-jirkii hore Real Madrid ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ka tagi doono Man United xagaagan soo aada iyadoo PSG ay loo xaglinayo inuu ku biiri doono, balse Di Maria wuu beeniyay wararkaas.
“Waxaan dhameystay xili ciyaareedkii iigu horeeyay kooxdeyda Manchester United” Ayuu yiri Di Maria oo la hadlayay The Sun.
“Wuxuu ii ahaa xili ciyaareed adag, waxaan filayaa iney dhibaatada keentay horyaalka kale ee aan imid iyo wadanka kale , horyaalkaana wuu ka adag yahay midka Spain, sidaas darteed nafteyda ma aysan ula qabsan sidii aan rabay”
“Haatan waxaan ciyaari doonaa Copa America, kadibna waxaan kusoo laaban doonaa Manchester United si aan fiicnaanteyda ugu soo bandhigo xagaaga soo aadan”
Ugu dambeyntii Di Maria ayaa ka farxiyay Jamaahiirta United ee aaminsan inuu xagaaga soo aadan waxtarkiisa la imaan doono, kaliya 3-gool iyo 10-caawinaad ayuuna sameeyay 27-kulan oo uu ciyaaray EPl-ka.