Angel Di Maria ayaa aaminsan in saaxiibkiis Lionel Messi uu siweyn ula qabsan karo nidaamka macalin Jose Mourinho hadii uu xagaagan naadiga Chelsea usoo dhaqaaqo.
Di Maria oo ka tirsan Man United balse aqoon dheer u leh Messi ayaa ka dhawaajiyay in kabtanka xulka Argentina uu Chelsea guulo dheeraad ah u hogaamin karo.
“Uma maleynayo in Messi uu dhibaato ku qabi doono inuu ka hoos cayaaro Jose Mourinho”
“Leo waa laacibka aduunka ugu wanaagsan hadii uu Chelsea imaado guulo dheeraad ah ayuu u horseedi karaa madaama uu la qabsan karo naadi walbo oo caalamka ka dhisan”
“Balse ugu horeyntii aan isweydiino Messi ma rabaa inuu Barcelona ka tago?”
“Uma maleynayo in Messi uu Barcelona ka tagi doono waayo aadbay u adag tahay inaad Ka tagto koox walbo kuu qabatay sidoo kalena heer walbo aad lasoo martay”
“Leo Camp Nou ayuu kusoo koray wuxuuna waqtigiisa cayaareed u hibeeyay Barcelona marka ilama ahan in xidigan uu xagaagan iyo wax u dhawba Barcelona ka tagi doono”
Angel Di Maria ayaa hadalkiisa sii raacsaday kaliya inuu fikradiisa ka dhiibanaayay xanta suuqa Yurub lagu hadal haayo balse uusan ka warqabin halka uu mustaqbalka Messi ahaan doono.