Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya faransiiska garabka reer Argentina Angel Di Maria ayaa la filayaa in berito oo jimco ah uu ku biiro kooxda Paris Saint Germain ee dalka faransiiska.
France Football ayaa ku warantay in Manchester United ay aqbashay dalab 65 Malyan Oo Euro ah oo ay xidigaan kasoo gudbisay Paris Saint Germain.
27-jirkaan reer Argentina ayaa xagaagii hore 59.7 Malyan oo Pound kaga yimid Real Madrid, balse imaatinkiisa Ingiriiska uma aheen waqti fiican madama uu ku fashilmay.
PSG waxey isku dayday 12-bilood ka hor iney xidigaan soo xerogaliso, balse waxaa ka hor istaagay xeerka dhaqaale wanaagsa UEFA, balse haatan ayey diyaar u tahay iney la wareegto.
Starsport ayaa shaacisay shalayto in caawiyaha agaasimaha kooxda PSG Olivier Letang uu usoo duulay London todobaadkii hore isagoo wadahadalo ku aadan Di Maria kula yeeshay Ingiriiska Ed Woodward.
Si kastaba France Football ayaa qirtay in berito oo jimco ah ay kooxdaan reer France la saxiixan doonto Di Maria.