Hogaamiyaha kooxda Man United Angel Di Maria haatan wuxuu noqday shaqsiga ay maalin walbo xantiisa ama xogtiisa rasmiga ah raadiso.
Sidaa darteed xidiga reer Argentina aya laga soo xigtay inuu ka dhawaajiyay haatan inuu ka shaleynaayo go’aankii uu xagaagan ku diiday inuu kooxda Paris ugu biiro.
Di Maria oo la hadlaayay shabakada Telefoot wuxuu yiri “Kama shaleynayo inaan Real Madrid isaga tagay, sidoo kale farxad weyn ayay ii ahaan lahey hadii aan PSG ku biiri lahaa”
“Waayo qaarka mid ah xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa Paris ka tirsan sidoo kalena mushaar badan ka qaataan”
Laacibkan tayada wanaagsan kooxda Man United waxay xagaagan kusoo iibsatay £59.7m balse hadalka kasoo yeeray wuxuu sii kicin doonaa nux nuxda ku aadan inuusan haatan ku faraxsanayn ku sugnaan shaha garoonka Old Trafford!