Inkastoo saxaafada Ingiriiska ay mudooyinkiiugu dambeysay hadal heysay in wiilka ku wareeray EPL-ka Angel Di Maria uu ka dhaqaajin doono kooxda Manchester United, hadana waxaa soo ifbaxday sheeko cusub oo arinkaas la xiriirta.
The Sun ayaa qortay in xidigaan reer Argentina uu fariin u diray kooxda Paris Saint Germain oo xidigaan ku raad joogta wali.
Di Maria ayaa doonaya inu sii joogo garoonka Old Trafford, wuxuuna kooxda PSG ku wargeliyay iney isak iloobaan arimahiisa.
Warbixinta waxey intaas ku dareysaa in Angel Di Maria uu doonayo inuu muujiyo inuusan aheyn Flop ka ciyaara EPL-ka, balse uu yahay xidigii lagu yaqaanay Real Madrid.
Di Maria wuxuu 57.9 Malyan Oo Pound bishii July kaga soo biiray kooxda Man United dhigeeda Real Madrid balse xidigaan ayaa doonaya inuu daboolo foolxumada uu haatan ku dhex jiro, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu sii joogi doono xagaaga dambe.