Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya faransiiska garabka reer Argentina Angel Di Maria ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Paris Saint Germain kaas oo dhan shan sanadood.
Di Maria ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu isaga tagayo Man United kadib markii xili ciyaareedkiisii ugu horeyay kooxda uu jahawareer soo wajahay.
Imaatinka Morgan Schneiderlin iyo Bastian Schweinsteiner ayaana sidoo kale cadaadiska kusii badinaya waxaana shaki la galinayaa mustaqbalkiisa Old Trafford.
Sida uu shaaciyay wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee Le Parisien waxaa haatan socda wadahadalo u dhaxeeya labada kooxood oo ku aadan lacagaha xidigaan, balse goor hore ayey PSG iyo Di Maria heshiiyeen.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Man United ay diyaar u tahay aqbalida dalab 43 Malyan Oo Pound ah oo kaga imaanaya kooxda reer France walow xidigaan uu 12-bilood ka hor ku yimid Ingiriiska 59.7 Malyan Oo Pound.
Heshiiska ayaa laga yaabaa in lasoo afjaro ka hor inta uusan Di Maria la kulmin kooxdiisa Man United 29-ka July markaas oo uu fasax kasoo laabanayo.
Sidoo kale waxaa jirta hadal heyn ah in Edinson Cavani uu imaanayo Old Trafford, mana laga saari karo in labada kooxood ay arintaas ku heshiiyaan waana macquul.