Kubad sameeyaha xulka Argentinta iyo kooxda Man United Angel Di Maria ayaa k faraxsan inuu ka mid noqday musharaxiinta u taagan abaal marinta laacibka ugu wanaagsan Premiership-ka England bishii September ee aan kasoo gudubnay.
Di Maria ayaa dhaliyay 2-gool sidoo kalen 2-kubad ayuu dhiibay kulamadii uu Man United u cayaaray bishii September sidaa darteed wuxuu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad ee loo sadaalinaayo hanashada abaal marinta bilaha ah.
Di Maria waxaa abaal marintan kula tartami doonaan xidigaha hoos ku qoranoo iyagana bishii September wacdaro kasoo muujiyeen EPL:
Mile Jedinak, Crystal Palace: labo gool ayuu dhaliyay bishii September.
Graziano Pelle, Southampton: xidiga reer Talyaaani sedex gool ayuu dhaliyay bishii hore.
Diafra Sakho, West Ham United: wuxuu dhaliyay sedex gool bishii September
Morgan Schniederlin, Southampton: wuxuu muujiyay inuu yahay kubad bur buriyaha haatan ugu wanaagsan EPL bishii September.
Leonardo Ulloa, Leicester City: wuxuu dhaliyay 3-gool bishii hore.
Hadaba ma is leedahay Di Maria abaal marintan wuu ka dhex qaadi karaa xidigaha ula sharaxan?