Waxaa siweyn loo hadal hayaa xidiga aan ku faraxsaneyn garoonka Old Trafford Angel Di Maria in xagaagan ay lacago xoog leh ku qaadan doono naadiga PSG.
Angel Di Maria waa xidigii ugu qaalisnaa taariikh ahaan Man United soo iibsato balse haatan xaalkiisa ma fadhiyo waxayna saxaafada dalka England heysaa inuu naadiga Paris u dhaqaaqi doono marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
Hadaba bixitaanka Di Maria ayaa Man United ku qasbi doono inay badalkiisa baadi goobto waxayna kooxdan calaameesatay 5-laacib oo ay aaminsan tahay inay booska Di Maria si wacan u buuxin karaan waxayna kala yihiin:
1) Marco Reus (Borussia Dortmund): waxaana lagu heli karaa £20m
2) Gareth Bale (Real Madrid): waxaa lagu heli karaa £100m
3) Nicolas Gaitan (Benfica): waxaa lagu heli karaa £25m
4) Memphis Depay (PSV): waxaa lagu heli karaa £10m
5) Isco (Real Madrid): waxaa lagu heli karaa £35m