Saxiixa cusub ee kooxda Manchester United Angel Di Maria ayaa seegi doona kulanka ay Arbacada kooxiisa la yeelan doonto Stoke City kadib markii uu dhaawac dhanka murqua ah soo gaaray kulankii ay kooxdiisa guusha ka gaartay Hull City todobaadkaan, wuxuuna kaliya ciyaaray 13-daqiiqo.
Tababare Louis Van Gaal ayaan qatar galin doonin xidigiisa reer Argentina isagoo ka gaabsaday mudada uu maqnaan doono, “Wey adag tahay inaan iraahdo, waxaan kaliya dhihi karaa inuu soo kabsado ma qaadaneyso lix bilood” ayuu yiri Louis Van Gaal oo aan doneyn inuu shaaciyo waqtiga xidigaan uu garoomada ka maqnaanayo.
“Waa inaan sugnaa, sida la hubana banaanka ayuu ka ahaan doonaa kulanka Stoke City” Ayuu hadalkiisa ku daray LVG.
Dhanka kale Wayne Rooney ayaa isna ka baxay garoonka kulankii Hull City isagoo dhutinaya kadib markii labada jeer ay wax soo gaareen kulankaas.
Louis Van Gaal wuxuu qiray in Rooney uu isaga qudhiisa u sheegay kadib kulankii Hull City inuu ciyaari karo, balse Rooney hadalkaas mar walba ayuu yiraahdaa ayuu Van Gaal yiri.
“Waxaan filayaa in Di Maria muruqa laga heysto, jirkiisana si fiican ayuu u yaqaanaa, wuxuuna ii sheegay inuusan ciyaari karin, inkastoo dhaawaciisa uusan sii xumaan doonin”
Ugu dambeyntii Louis Van Gaal wuxuu qiray in Rooney uu diyaar u yahay kulanka Stoke City halka Di Maria uu seegi doono kulankaas ka dhici doona Old Trafford.