Home » Maxaa Cusub » Angel Di Maria: “Waan Dagaalami Doonaa Ilaa Malinta Ugu Dambeysa”

Angel Di Maria: “Waan Dagaalami Doonaa Ilaa Malinta Ugu Dambeysa”


Angel Di Maria

Saxiixa ugu qaalisan dalweynaha Britain iyo kooxda Manchester United Angel Di Maria ayaa dib uga soo laaban doona ganaax hal kulan ah oo ay garka u galiyeen xiriirka FA-ga kadib markii uu ku gardarooday garsoore Micheal Olivier kulan ciyaareed ay United 2-1 qasaaro ah kala kulantay Arsenal.

Di Maria wuxuu diyaar u yahay inuu safto kulanka Liverpool ee Axada, wuxuuna kalsooni ku qabaa in kooxdiisa ay dagaalami doonto ilaa dhamaadka si ay u tiigsato hamigeeda.

Kulanka Liverpool wuxuu hordhac u yahay tiro kulamo xasaasi ah oo xigi doona kuwaas oo ay United yeelan doonto bisha April madama ay la ciyaari doonto Manchester City iyo Chelsea.

Waa xaalad u baahan in looga baxo adeeg iyo dadaal badan xili tartanka ay kooxaha ugu jiraan usoo bixitaanka Champions League-ga uu yahay mid aad u xamasad badan madama fooda la isku wada haayo.

“Waa inaan ka taxadarno kulamada waaweyn ee nagu soo foolka leh, xili ciyaareedkanana waxaa go’aamin doona kulamadaan”

“Qof walba oo kooxda ka tirsan waa inuu 100% kalsooni ah muujiyaa, waan ognahay waxaan dooneynaa inaan dib ugu soo labano Champions League, waana inaan u dagaalano, si adag ayaan u dagaalami doonaa ilaa dhamaadka xagaagan.

Dhanka kale Ashley Young oo ka tirsan xidigaha joogtada ah ee Man United ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay Anfield u aadi doonto iney guul soo gaarto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>