Home » Horyaalada » La Liga Spain » Antoine Griezmann “Codkeyga Waxaan Siin Doonaa Manuel Neuer Si Uu Ballon d’Or Ugu Guuleesto”

Antoine Griezmann “Codkeyga Waxaan Siin Doonaa Manuel Neuer Si Uu Ballon d’Or Ugu Guuleesto”


Greizman

Weeraryahanka xulka France iyo naadiga Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa ka dhawaajiyay in sanadkan 2014 uu codkiisa ugu deeqi doono goolhaye Manuel Neuer si uu ugu guuleesto abaal marinta FIFA Ballon d’Or.

Goolhayaha kooxda Bayern Munic Neuer ayaa ka mid ah sedexda musharax ee abaal marintan isugu soo hartay waxaana ku wehliyaan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Aniga Neuer ayaan la jiraa sidoo kalena codkeyga siin doonaa waayo kama mid ihi dadka marwalbo la jecel Ballon d’Or Ronaldo iyo Messi”

“Neuer waa goolhaye weyn sidoo kalena horyaalka aduunka ku guuleestay, inkastoo sedexda musharaxba ay abaal marintaan u qalmaan”

“Sidoo kalena sedexdan laacib waxay soo qaateen xili cayaareed aad u wanaagsan, balse waxaan oran lahaa waxaa wanaagsan in ku guuleesto abaal marintan kan ugu wanaagsan sedexdooda!”

Geeska kale xidigan dhalinta yar ayaa ka hadlay arinka ku aaday in Franck Ribery uu xulka France dib ugu cayaari doonin wuxuuna yiri “Marwalbo Franck gacmo furan ayaan kusoo dhaweyn doonaa balse isaga ayaa garan karo xiliga uu dib ugu soo laaban doono xulka”

“Balse aniga marwalbo xulkeyga France waan u cayaari doonaa hadii Ribery uu soo laabto iyo hadii uusan soo laabanin”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>