Home » Maxaa Cusub » Antoine Griezmann Iyo Isco Oo Safka Hore Kasoo Galeen Xidigaha Chelsea Xagaagan Dooneyso

Antoine Griezmann Iyo Isco Oo Safka Hore Kasoo Galeen Xidigaha Chelsea Xagaagan Dooneyso


1414014479429_wps_35_Atletico_s_Antoine_Griezm

Wargeska The Metro ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay xagaagan dalka Spain ka dukaameesan doonto waxayna si gaar ah haatan diirada u saareysaa qaabkii ay ku heli laheyd Antoine Griezmann iyo Isco.

The Metro ayaa sheegay in macalin Mourinho uu taageero weyn u yahay Antoine Griezmann waxayna Chelsea wada hadal la bilaabi doontaa kooxda Atletico Madrid ee uu xidigan ka tirsan.

Weeraryahanka reer France xili cayaareedkii dhawaa 25-gool ayuu kooxdiisa Atletico Madrid u dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan waxayna Chelsea ugu tala gashay inay £43m xagaagan kula soo wareegto.

Dhanka kale kubad qaabeeye Isco ayaa dalab ka helay Chelsea waxayna Blues dooneysaa xidigan dhalinta yar inay booska Oscar galiso kaadi oo naadiga Juventus kusii jeedo.

Chelsea ayaa ku kalsoon in 35m dalab ah dhigeeda Real Madrid ka aqbali doonto madaama Isco uusan hubin inuu boos joogto ah ka heli doono macalin Rafeal Benitez ee dhawaan hogaanka Madrid la wareegay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in saraakiil ka socdaan Chelsea ay todobaadkan gudihiisa caasimada Spain gaari doonaan si ay kooxaha Atletico iyo Real kala hadlaan qaabkii ay kaga heli lahaayeen Griezmann iyo Isco.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>