Tababaraha cusub ee xulka talyaaniga ayaa dib xulkiisa ugu soo celiyay Andrea Pirlo oo dhawaan isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah, sidoo kalana Daniel De Rossi ayaa xulka qaranka dib ugu soo laabtay kaas oo dhawaan dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa Roma.
Si Kastaba Conte ayaa la hadlay wiilkiisa da’da yar ee ka tirsan kooxda Paris Saint Germain Marco Verratti isagoo u sheegay in looga baahan yahay inuu dulqaad sameeyo marka ay ka horeeyaan halyeeyo sida De Rossi iyo Pirlo oo kala ah.
“Marka ay hortaada yahiin laba halyeey sida Pirlo iyo De Rossi xidigaha yaryar waa iney sameeyaan dulqaad” Ayuu Conte u sheegay RaiSport maanta.
“Wuxuu noqon karaa xidiga waqtigaan iyo mustaqbalka”
Sidoo kale Conte ayaan meesha ka saarin in loo baahan yahay waxtarka da’yarta, inkastoo uu mudnaanta siiyay in xidigaha halyeeyada ah wax laga kororsado.
Marco Verratti ayaa caawa seegaya kulanak Azerbaijan iyadoo Pirlo uu kusoo bilaaban doono waxaana dhexda la wadaagi doona Deniel De Rossi, walina Montolivo ayaa xulka qaranka dhaaawac kaga maqan.
Siciid Maxamed
10-October-2014 at 9:33 pm
Verrati dulqad