Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in xidigeeda tayada wanaagsan Thiago Alcantara markale qaliin lagu celin doono wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa mudo dheer.
Laacibka reer Spain niyad xoogan ayuu mar labaad la kulmay waayo tan iyo bishi Maarso ee sanadkan kubada ma uusan cayaarin markii uu jilibka dhaawaca kasoo gaaray.
Haatana asigoo ku rajo weynaa inuu hawada kusoo laabto ayay dhaqaatiirta Bayern u sheegeen in qaliin labaad uu u baahan yahay.
Thiago ayaa dhawaan kusoo laabtay tababarka Bayern balse si lama filaan ah jilibkiisii bogsaday ayaa jug ka haleeshay waxayna Bayern haatan shaaca ka qaaday in qaliin kale lagu sameyn doono!
Xarunta tababarka Bayern ayuu dhaawacan kuso kusoo gaaray waxaana dilaac gudaha ah gaaray jilibkiisa sidaa darteed si deg deg ah aya qaliin loogu sameyn doonaa.
23-jirkan xagaagii hore ayuu Bayern yimid balse nasiib daro dhaawac ayuu saaxiib la noqday wuxuuna kooxdiisa u saftay kaliya 16-kulan Bundesligaha Jarmalka xili cayaareedkii hore.