Kubad qaabeeyaha reer Turkey Arda Turan dhawaan lacago 50-milyan oo euro ah ku dhow waxaa ku qaadatay kooxda Barcelona.
Arda Turan ayaa ku qasban inuu mudo lix bilood ah sugo si uu kooxdiisa cusub Barcelona ugu cayaaro sidoo kalena saxaafada Spain ayaa hadal heyso in xidigan qaab amaah ah lagu dhiibi doono.
Balse Arda Turan ayaa meesha ka saaray inuu xagaagan qaab amaah kooxdiisa kaga tagi doono sidoo kalena Turan qorshihiisa wuxuu yahay inuu garoonka Camp Nou iska sii joogo inta Barcelona laga qaadayo xayiraada dhanka suuqa Yurub ka saaran.
Arda Turan wuxuu yiri “Kuma fikirin inaan Barcelona amaah kaga tago kaliya qorshaheyga wuxuu yahay sidii aan kula qabsan lahaa garoonka Camp Nou iyo hareerihiisa”
“Sidoo kale waa muhiim inaan si dhaqsi ah ula qabsado qaabka ay Barcelona kubada u cayaarto mana sugi kari inaan mar un kooxdeyda cusub u cayaaro”
“Markii aan heshiis cusub saxiixay sidoo kalena aan xirtay maaliyada Barca waxaa dareemay cadaadis sidaa darteed waa muhiim inaan Barcelona la qabsado”
“Waxaan ku rajo weynahay in lixda bilood ee nagu soo fool leh si dhaqsi ah nagu moodo si aan Barcelona mar un ugu cayaaro anigoo faraxsan”