Xidiga reer Turkey Arda Turan ayaa xaqiijiyay inuu haatan wada hadalo kula jiro ugu yaraan sedex naadi oo ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.
Arda Turan ayaa sidoo kale xusay inuu xagaagan kooxdiisa Atletico Madrid isaga hayaami doono madaama uu sanado badan caasimada Spain ku sugnaa wuxuuna doonayaa inuu isbadal sameeyo.
Arda Turn ayaa qoraal kooban soo dhigay barta Twitter-ka wuxuuna yiri “Xanta suuqa lama wada aamini karo balse wakiilkeyga wuxuu wada hadal kula jiraa sedex ila 4-naadi”
“Wixii kasoo kordho waan idinla wadaagi doonaa wada hadaladaas iyo hadii aan heshiis wada gaarno kooxahaas mid ka mid ah”
28-jirkan iyo wakiilkiisa Ahmet Bulut waxay dadaal culus ugu jiraan sidii ay xagaagan naadi cusub ugu biiri lahaayeen.
Waxaana siweyn loola xariirina kooxaha Man United iyo Chelsea madaama uu Arda Turan xiiseenayo ka cayaarista EPL sidoo kalena kooxaha PSG iyo AC Milan xidigan dabagal ku hayaan.
Naadiga Atletico waxay Arda Turan kaga soo iibsatay £8.5million naadiga Galatasaray sanadii 2011 wuxuuna xidigan la qeebsaday kooxdiisa guulo taariikhi ah.
Xidigan qandaraaska uu Atletico kula jiro waxaa uga harsan mudo labo sano sidoo kalena qandaraaskiisa waxaa lagu jebin karaa £29million.