Home » Maxaa Cusub » Argentina Oo Guul Ka Gaartay Croatia Halka Mexico Ay Garaacday Holland

Argentina Oo Guul Ka Gaartay Croatia Halka Mexico Ay Garaacday Holland


Argentina

Argentina ayaa gaartay guul dirqi ah kadib markii ay garoonka Upton Park kula ciyaareen Croatia ciyaar uu dib ugu soo laabtay xulka qaranka Argentina xidiga Juventus Carlos Tevez.

Tevez wuxuu badal kusoo galay ciyaarta qeybaheedii dambe, waxaana lagu badalay Sergio Kun Aguero, waana markii ugu horeysay oo uu matalo xulkiisa tan iyo 2011.

Anas Sharbini ayaa ka naxsaday xulka Argentina kadib markii uu hogaanka u dhiibay Croatia kulan ay maqnaaayeen badi ciyaartoyda reer Croatia laf dhabarka u ahaa waxaana ka mid ah Mandzukic, Srna iyo Luka Modric.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso Croatia, balse isku soo noqodkii qeybta labaad Anasaldi ayaa barbaro u keenay Argentina.

Lionel Messi ayaana goolka guusha u dhaliyay markii uu gool u badalay rigoore loo dhigay daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta markii goolhayaha Croatia uu qalad ka galay Ageuro.

Argentina oo 18-ka bishaan kula balansan Old Trafford xulka Portugal ayaa gaartay guushaan waxeyna sii joogi doonaan dalka Ingiriiska inta laga gaarayo waqtigaas.

Dhanka kale Mexico ayaa ka aargudatay xulka Holland kulan ay marti ugu ahayeen Amsterdam, 3-2 ayaa lagu garaacay ciyaar Carlos Vela uu dib ugu soo laabtay xulka Mexico.

Xidigii hore Arsenal haatana ka tirsan Real Sociedad ayaa laba gool ku caawiyay xulkiisa inkastoo Holland ay laba gool ka heleen Weseley Sndijder iyo Daley Blind.

1415827151308_wps_17_epa04487212_Mexico_s_play

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>