Home » Horyaalada » La Liga Spain » Ariedo Braida Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Qaar Ka Mid Xidigaha Barcelona Ee Magacyaooda Suuqa Yurub Lagu Hayo

Ariedo Braida Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Qaar Ka Mid Xidigaha Barcelona Ee Magacyaooda Suuqa Yurub Lagu Hayo


Pedro

Agaasimaha kooxda Barcelona Ariedo Braida ayaa ugu dambeyntii ka hadlay mustaqbalka qaar ka mid ah xidigaha Barcelona oo la hadal hayo in xagaagan ay Camp Nou isaga hayaami doonaaan.

Masuulkan ayaa si gaar ah kaga hadlay mustaqbalka labada daafac ee dhalinta yar Marca Barta iyo Martin Montoya oo la sheegay in Barcelona ay xagaagan iibin doonto.

Ariedo Braida oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Qorshaha nooguma jirto inaan iska iibino ama aan dhageesano dalab ku aadan Marca Barta”

“Balse Montoya wakiilkiisa ayaan kulan la qaadan doonaa maal maha nagu soo fool leh kadibna mustaqbalkiisa ayaan go’aan ka gaari doonaa weliba sida uu isaga ku qanacsan yahay ayaan u sameyn doonaa”

Hadalka kasoo yeeray Ariedo Braida ayaa muujinaayo in Barcelona aysan Barta fasixi doonin balse diyaar u noqon doonto inay dhageesato dalabyada ku aadan Montoyo.

Waxaana Montoyo si gaar ah loola xariirinaa kooxaha Liverpool iyo Juventus oo daafacan garabka midig ka cayaaro dabagal ku hayaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>