Xidiga reer Holland ayaa digniin culus u diray dhamaan kooxaha reer Yurub ee aaminsan in Bayern Munich dafiic noqotay.
Bayern todobaadkan ayay heshay guusheedii ugu horeesay Bundesligaha sanadkan 2015 waxayna 2-0 ku suul daartay naadiga Stuttgart, balse labadii kulan ee horey u cayaartay naadiga wax guul ah ma gaarin sidoo kalena habacsanaan weyn ayaa ka muuqatay.
“Bayern ma ahan naadi labo kulan ku jah wareerto waxaana ku faraxsanahay inaan wada guusha kusoo laabanay”
“Sidoo kalena waa muhiim inaan marwalbo hogaanka Bundesligaha u heyno inkastoo aan ognahay inaan dhibaato culus kala kulmi karno kooxaha qaar”
“Bayern waa koox awood badan sidoo kalena aan loosoo dhawaan karin sidaa darteed kooxdii niyada ku heyso in nagala badin karo ha iska ilaawdo midaas”
“Weli xidigo muhiim ah ayaa dhaawac nooga maqan hadana waxaan ku faraxsanahay in xidig walbo oo kooxda ka tirsan sida uu haatan isku xil qaamayo”
Bayern Munich haatan 8-dhibcood ayay hogaanka Bundesligaha kaga heysaa naadiga Wolfsburg waxayna kulankeeda xiga garoonkeeda Allianz Arena ku qaabili doontaa naadiga Hamburg.