Home » Maxaa Cusub » Arsenal Iyo Inter Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Daafaca Monchengladbach Tony Jantschke

Arsenal Iyo Inter Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Daafaca Monchengladbach Tony Jantschke


Tony Jantschke

Wargeska Daily Mirror ayaa bogiisa hore ku qoray in kooxaha Arsenal iyo Inter Milan ay ku dagaalamayaan saxiixa daafaca dhalinta yar ee naadiga Monchengladbach ka tirsan Tony Jantschke.

Tony Jantschke ayaa ka cayaari karo daafaca dhexe iyo garabka midig ee daafaca wuxuna haatan waqti wanaagsan la qaadanayaa kooxdiisa Monchengladbach waana sababta keentay inay Arsenal iyo Inter Milan siyaabo kala duwan ula soo xariiraa wakiilkiisa.

Kooxda Monchengladbch dhawaan ayay ka dhawaajisay inaysan xidigan bisha Janaayo iibin doonin balse wargeka Mirror ayaa ka dhawaajiyay in xagaaga dambe ay kooxdan ku iibin doono qiimo lagu sheegay £5M.

Jantschke kaalin muuqato ayuu ku leeyahay in kooxda Monchengladbach ay safka hore ee Bundesligaha soo tiigsato wuxuuna xidigan haatan musharax u yahay in xulka Jarmalka loogu yeero madaama uu hormar wanaagsan sameeyay waxaana la filaa in bisha Janaayo ay Arsenal iyo Inter Milan saxiixiisa ku dagaalami doonaan.

Inter iyo Arsenal kaliya Jantschke saxiixiisa isku heestaam sidoo kale waxay labadan koox ku dagaalamayaan soo xero galinta xidiga reer Croatia ee lagu magacaabo Marcelo Brozovic kaasi oo khadka dhexe ku wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>