Home » Maxaa Cusub » Arsenal Iyo Liverpool Oo Ku Dagaalamayaan Saxiixa Xidiga Juve Booska Ka Waayay Sebastian Giovinco

Arsenal Iyo Liverpool Oo Ku Dagaalamayaan Saxiixa Xidiga Juve Booska Ka Waayay Sebastian Giovinco


Giovinco

27-jirka weerarka labaad kaga cayaaro kooxda Juventus Sebastian Giovinco ayaa dalabyo wanaagsan ka helay kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo doonayaan inay si xor ah kula saxiixdaan marka uu xili cayaareedkan soo idlaado madaama qandaraaskiisa gabo gabo ku dhow yahay.

Sebastian Giovinco ayaa ka careesay xaqiraada uu kala kulmaayo kooxdiisa Juventus wuxuuna sii niyad jabay markii uu xili cayaareedkan kalsooni ka waayay macalin Allegri sidaa darteed xidigan wuxuu kooxdiisa ka diiday inuu heshiis cusub u saxiixo.

Wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxaha Arsenal iyo Liverpool ay xidigan lasoo xariireen balse Gionvinco ayaan labadan naadi si deg deg ah ugu jawaabi doonin wuxuuna dooran doona naadigii mushaar wanaagsan iyo boos joogta ah u balan qaado.

Sidoo kale kooxda Tottenham ayaa la xariirtay laacibkan gaabinta badan waxaana arinkaas xaqiijiyay wakiilkiisa Mr. Andrea D’Amico tani waxay muujinee in Giovinci uusan baaqi kusii ahaan doonin wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan magaalada Turin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>