Xidiga dhalinta yar Sergi Roberto oo kusoo bar baaray xarunta La Massia ee naadiga Barcelona leedahay sidoo kalena saxaafada Spain ula baxday Xavi-ga cusub ayaa haatan dalabyo aad u sareeyo ka helay kooxaha Man United iyo Arsenal.
22-jirkan tayada wanaagsan haatan kama mid ahan xidigaha Barcelona sida joogtada ah ugu cayaaraan sidoo kalena ma filaayo inuu xili cayaareedkan door muuqdo ku dhex yeesho garoonka Camp Nou madaama macalin Luis Enrique uusan boos u heynin.
Midaas ayaa sababtay in isaga iyo wakiilkiisa ay ku fikiraan ka cayaarista meel ka baxsan La Ligaha Spain waana sababta keentay in Man United iyo Arsenal ay siyaabo kala duwan ula soo xariiraan.
Sidoo kale dhawaan wuxuu Roberto ka diiday maamulka Barcelona inuu qalinka ku duugo heshiis waqtigiisa dheer yahay wuxuuna xidigan Barcelona isaga tagi karaa mudo gaaban si xor ah.
Waxayna haatan Barcelona ka cabsi qabaa laacib ay soo bar baarisay inay waxqabadkiisa ka faa’iideestaan kooxaha Arsenal ama Man Unite midkood.
Sidoo kale Barcelona cadaadis kale wuxuu kaga imaanaa kooxda Liverpool oo iyadana ku raad joogto saxiixa daafaca garabka midig Martin Montoya oo isagana ka careesay kursiga keydka ee uu tababare Enrique la bartay xili cayaareedkan.