Wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda SS Lazio ay dalabyo kala duwan ka heshay kooxaha Arsenal iyo Man United oo ku tartamayaan saxiixa Lucas Biglia.
28-jirkan khadka dhexe kaga cayaaro xulka Argentina ayaa sameeyay hormar aan caadi ahayn 24-bilood ee ugu dambeesay wuxuuna aad ugu wanaagsan yahay kubad raacista iyo sidoo kalena dhisida.
Sidaa darteed Man United iyo Arsenal ayaa ku loolamayaan helitaanka Lucas Biglia oo doonayo inuu dalabyada labadan ka faa’iideesto.
The Mirror ayaa sheegtay in Man United dalab £28m oo ku aadan Biglia laga diiday sidoo kalena Arsenal fariimo kala duwan ayay xidigan u dartay sidoo kalena wada hadalo ayay la wadaa kooxda Lazio.
The Sun ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiil ka socdaan Arsenal iyo Man United ay magaalada Roma ku sugan yihiin si ay maamulka Lazio ula fariistaan.
Lucas Biglia ayaa la sadaalinaa inuusan Lazio lasii joogi doonin xili cayaareedka cusub sidoo kalena wuxuu dalabyo kala duwan ka heestaa kooxaha Real Madrid iyo Juventus.
Balse weli kooxda Lazio si rasmi ah uma sheegin qiimaha ay ku dooneyso xidigan tayada wanaagsan inkastoo ay dalab aad u sareeyo £28m ka diiday naadiga Man United.