Kooxda Arsenal xili cayaareedkii dhawaa waxay u mahad celineysaa xidiga dhalinta yar Francis Coquelin oo xaliyay dhibaatada Gunners-ka dhanka khadka dhexe ka heesatay.
Balse macalin Arsene Wenger wuxuu doonayaa in kooxdiisa ay xili cayaareedka nagu soo fool leh u tartan ku guuleysiga tartamada kala duwan.
Sidaa darteed Wenger ahmiyad weyn ayuu siin doonaa inuu lasoo saxiixdo xidig siwacan u agaasimi karo khadka dhexe.
Ilaa haatan Arsenal waxaa u calaameesan xidigaha hoos ku xusan oo xirfadooda cayaareed tahay inay khadka dhexe ka hawl galaan:
Mario Suarez – Atletico Madrid
Arturo Vidal – Juventus
Lars Bender – Bayer Leverkusen
William Carvalho – Sporting Lisbon
Morgan Schneiderlin – Southampton