Wargeska Metro oo aad ugu dhuun daloolo qorshaha ay Arsenal xagagan suura Yurub ku gali doonto ayaa sheegay in kooxdan ay haatan daafac wanaagsan ka baadi goobeyso Bundesligaha Jarmalka.
Hadaba wargeskan ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay qorsheesay inay £12.6m kusoo iibsato daafaca xulka Jarmalka koobkii aduunka kula guuleestay Benedikt Howedes.
Xidigan kabtanka u ah naadiga Schalke ayaa doonay inuu xagaagan kooxdiisa isaga tago waxayna Schalke ka cabsi qabtaa laacibkan inuu naadiga Bayern Munich ku biiro.
Sidaa darteed Metro ayaa sheegay in Arsenal ay si sahlan ku heli karto Howedes waa hadi ay qiimaha soo bandhigta dar dar galiso madaama ay Schalke ku qasban tahay inay dalabkan aqbasho.
27-jirkan wuxuu naadiga Schalke ka tirsan yahay tan yo 13-jirkiisa wuxuuna usoo cayaaray naadigan heerar kala duwan balse haatan wuxuu doonayaa inuu mustaqbalkiisa cayaareed hawa gadis ku sameeyo madaama uu Schalke mudo dheer ka tirsanaa.
Macalin Arsene Wenger ayaa xidgan horey ugu hungoobay balse xagaagan naadiga Schalke ma taagno boos ay daafaceeda ku ceshan karto marba hadii uu go’aansaday inuu Galbeedka Jarmalka isaga tago.