Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo 32 Malyan Miiska U Saareysa Dortmund Iyadoo Ka Dooneysa Xidig Muhiim Ah

Arsenal Oo 32 Malyan Miiska U Saareysa Dortmund Iyadoo Ka Dooneysa Xidig Muhiim Ah


Hummels-and-reus

Arsenal ayaa ku warantay iney miiska u saareyso kooxda Borrusia Dortmund ee dalka Jarmalka 32 Malyan Oo Pound si ay kaga hesho daafaceeda Mats Hummels.

Gunners ayaa baahi weyn u qabta daafac dhexe madama Thomas Vermaelen uu ku biiray Barcelona ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan, Wenger ayaana doonaya inuu helo badalka Koscielny iyo Per Mertesacker kuwaas oo qarka u saaran iney dhaawacmaan ama daal la xaal xumaadaan.

Express ayaa qirtay in tababare Arsene Wenger uu diyaar u yahay inuu 32 Malyan ku qarash gareeyo saxiixa Mats Hummels marka la gaaro bisha January.

Mats Hummels oo 25-jir ah ayaa heshiiska uu kula jiro Dortmund wuxuu ku egyahay 2017, inkasstoo warar jarmalka ka imaanaya ay sheegayaan in kooxda Signal Iduna Park ay heshiis cusub ka saxiixaneyso xidigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>