Weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inuusan xagaagan naadiga Arsenal ku biiri doonin.
Sidaa darteed gabi ahaanba magaciisa suqa Yurub ayuu ka saaray madaama uu xaqiijiyay inuu kooxdiisa Lyon lasii joogi doono xili cayaareedka cusub 2015/16.
Sidaa darteed saxaafada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday 5-weeraryahan oo ay Arsenal haatan diirada saari doonto soo xero galintooda madaama Alexandre Lacazette uu iska fogeeyay inuu Emirates usoo dhaqaaqi doono.
Inkastoo kooxda Dortmund shaacisay in weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang uusan beec ahayn hadana Arsenal ayaa ku kalsoon inay xidigan 30-milyan oo pound xagaagan kusoo heli karto.
Karim Benzema ayaa ah dooqa labaad ee Arsenal waxayna dalab 40-milyan oo pound u gudbisay naadiga Real Madrid balse ilaa haatan jawaab kama helin kooxda reer Spian in xidigan ay fasaxeyso iyo in kale.
Edinson Cavani isagana wuxuu ka mid yahay liiska xidigaha macalin Wenger xiiseenayo inkastoo laacibkan uu ka dhawaajiyay inuu kooxdiisa Paris ku faraxsan yahay.
Xiidgaha Arsenal ay dooneyso waxaa ka mid ah Robert Lewandowski oo isagana xaalkiisa fadhinin madaama uu saluugsan yahay nidaamka macalin Pep Guardiola.
Dooqa ugu dambeeyo ee Arsenal qorshaha ugu jiro ayaa ah Romelu Lukaku madaama xidgan ay Arsenal xiiseyn jirtay xiligii uu naadiga Chelsea ka tirsanaa.