Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo £71m Kusoo Iibsan Doonto Sedexda Xidig Ee Badali Doonaan Ozil, Cazorla Iyo Welbeck

Arsenal Oo £71m Kusoo Iibsan Doonto Sedexda Xidig Ee Badali Doonaan Ozil, Cazorla Iyo Welbeck


Cazorla-and-Ozil

Kooxda Arsenal maamuulkeeda waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in macalin Arsene Wenger uu qarash gareen doono £200m inta ka harsan suuqa Yurub.

Hadaba warbixin cusub aya lagu sheegay in Gunners-ka ay fasixi doonto sedex ka mid ah xidigaheeda ka hor inta aysan lacagaheeda qarash gareenin,

Xidigaha la hadal haayo inay garoonka Emirates isaga tagi doonaan ayaa lagu sheegay Mesut Ozil, Santi Cazorla iyo Danny Welbeck.

Arsenal waxay £45m kusoo qaadan doontaa Isco oo khadka dhexe kaga cayaaro Real Madrid waxayna Arsenal galin doontaa kubad qaabeeyahan boosaska Ozil ama Cazorla.

Jose Callejon oo weerarka kaga cayaaro naadiga Napoli ayay Arsenal haatan wada hadalo la wadaa wuxuuna xidigan buuxin doonaa booska Danny Welbeck.

Warbixintan waxaaa lagu sheegay in Arsenal ay £18m kusoo iibsan doonto Jose Callejon oo u dhashay dalka Spain.

Ugu dambeyntii macalin Wenger xidiga uu sanado badan ku raad joogay Fernando Llorente ayuu haatan fursad wanaagsan u heestaa inuu lasoo saxiixdo weliba weeraryahanka reer Spain waxay Arsenal ku qaadan kartaa qiimo jaban oo lagu sheegay £8m.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>