Daafaca garabka bidix ee reer Spian waxaa la hadal haayay inuu dib ugu laaban doono La Ligaha Spain balse kooxda Arsenal ayaa warkan wax kama jiraan ku tilmaantay.
Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in naadiga Athletico Bilbao ay Nacho Monreal ku qaadan doonto 7-milyan oo pound sidoo kalena ay heshiis 3-sano ah la gaartay.
Balse Arsenal ayaa iska beenisay wararkan waxayna Gunners-ka ku sheegtay Nacho Monreal uu ka mid yahay xidigaha macalin Wenger uu xili cayaareedka cusub lasoo shirtagi doono.
29-jirkan xili cayareedkii dhawaa 2014/15 ayuu kusoo baxay laacib la isku haleen karo wuxuuna sameeyya bandhig uu siweyn macalin Arsene Wenger ugu soo jiitay sidaa darteed Arsenal marnaba Nacho Monreal xagaagan ma iibin doonto.
Sidoo kale macalin Wenger waxaa laga soo xigtay in Nacho Monreal oo qandaraaskiisa ka harsan yahay mudo sanad ah haatan heshiis cusub lagu abaal marin doono.
dhanka kale Arsenal marnaba suuqa Yurub kama baadi goobeyso daafac garabka bidix ku wanaagsan tani waxay ka dhigan tahay in Nacho Monreal uusan garoonka Emirates xagaagan ka hayaami doonin.