Wargeska O Jogo ee kasoo dalka Portugal ayaa sheegay in naadiga Arsenal ay dabagal xoogan ku heyso labada xidig ee naadiga FC Porto ugu muhiimsan Yacine Brahimi Iyo Jackson Martinez.
Macalin Arsene Wenger sanado badan ayuu ku fikiraayay inuu lasoo saxiixdo weeraryahanka reer Colomka Martinez wuxuuna doonayaa inuu xagaagan ka dhigto bartilmaameed kowaad.
Sidaa darteed saraakiil ka socdeen kooxda Arsenal ayaa todobaadkan daawadeen kulan ay naadiga Porto cayaartay horyaalka Portugal si ay labadan xidig qiimeen ugu sameeyaan.
Sidoo kale xidiga reer Algeria ee xawaarihiisa aadka u dheereeyo Yacine Brahimi kana weerar galo labada garab ee khadka dhexe ayay Arsenal lacago badan ku dooneysaa.
Kooxda FC Porto oo ah naadi go’aan adag ayaan qiimo jabadan labadan xidig ku fasixi doonin waxayna ku dooneysaa ugu yaraan 60-milyan oo euro ah lamana hubo in lacagahaas ay Arsenal bixin doonto xagaagan.
Geeska kale Arsenal waxay dabagal xoogan ku heysaa xidiga kooxda Benfica ka tirsan Anderson Talisca waxayna madaxda Arsenal aad ula dhaceen xidigan bandhiga wanaagsan ee uu banaanka soo dhigay kulankii bilawgii todobaadkan dhex maray FC Porto iyo Benfica.