Home » Horyaalada » Bundesliga » Arsenal Oo Dabagal Xoogan Ku Heyso Kabtanka Naadiga Schalke 04 Benedikt Howedes

Arsenal Oo Dabagal Xoogan Ku Heyso Kabtanka Naadiga Schalke 04 Benedikt Howedes


howedes

Daily Mail ayaa sheegay in Arsenal ay dabagal xoogan ku heyso kabtanka naadiga Schalke 04 Benedikt Howedes madaama daafacan uu doonayo inuu kooxdiisa isaga hayaamo.

Xidigan xulka Jarmalka kula guuleestay koobkii aduunka xagaagan ayaa la sheegay inay Arsenal todobaadyadii ugu dambeesay qiimeyn ku sameeneesay qaab cayaareedkiisa waxayna wakiiladii daawadeen kubadiisa macalin Arsene Wenger usoo gudbiyeen inuu ku haboon yahay qaab cayaareedka Arsenal.

Daafacan lagu qiimeeyo  £15m ayaa naadiga Schalke ka tirsanaa tan iyo 13-jirkiisii balse wuxuu diyaar u yahay mudo 12-sano kadib inuu garoonka Veltins Arena isaga hayaamo si uu kubada cagta hormar wanaagsan uga gaaro heerka naadiyada.

Arsenal waxaa heesato dhibaato dhanka daafaca ah wuxuuna Howedes ka cayaari karaa dhaman 4-boos ee daafaca waana sababta keentay in Arsenal ay ahmiyad gaar ah siiso sidii ay xidigan kusoo xero galin laheyd horaanta bisha Janaayo.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in todobaadyada nagu soo fool leh ay Arsenal dhigeeda Schalke kala xaajoon doonto qaabkii Howedes looga iibin lahaa horaanta sanadka cusub.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>