Macalinka kooxda Arsenal Asene Wenger ayaa siweyn ugu hanqal taagayo inuu xagaagan lasoo saxiixdo labo ka mid ah xidigaha kooxda PSG khadka dhexe kaga cayaaraan.
Xidigaha ay Arsenal xooga saari doonto inay Paris kasoo qaadato ayaa kala ah Yohan Cabaye iyo Ezequiel Lavezzi waxayna labadan xidig ka mid yihiin cayaartooyda PSG xagaagan iska iibin doonto.
Yohan Cabaye oo horey ugu cayaari jiray naadiga New Castle kaliya 23-kulan ayuu kooxdiisa Paris u saftay weliba 10-ka mid ah kulamadaas badal ayuu kusoo galay.
Waxayna Arsenal xagaagan ku qaadan kartaa kubad qaabeeyahan £10m wuxuuna u buuxin karaa boosaska Mikel Arteta iyo Jack Wilshere kuwaas oo inta badan Arsenal dhaawacyo kaga maqnaadaan.
Dhanka kale The Metro ayaa sheegay in Arsenal ay Paris kala hadleen sidii ay ku heli lahaayeen Ezequiel Lavezzi oo dhawaa qirtay inuu caasimada France isaga hayaami doono.
Arsenal ayaa u aragto Ezequiel Lavezzi inuu booska Theo Walcott buuxin karo madaama Walcott uu ka madax adeegayo inuu heshiis cusub qalinka ku duugo.
Ezequiel Lavezzi waxay kooxda Arsenal ku heli kartaa £18m balse Arsenal uma sahlanaan doonto inay xidigan gacanta kusoo dhigto madaama ay dabagal ku hayaan kooxaha Chelsea iyo Liverpool.