Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Dalab Cusub Oo Ku Aadan Karim Benzema U Gudbisay Dhigeeda Real Madrid

Arsenal Oo Dalab Cusub Oo Ku Aadan Karim Benzema U Gudbisay Dhigeeda Real Madrid


karim

Kooxda Arsenal ayaa dooneyso in xagaagan lacagaheeda ugu badan inay ku qarash gareyso sidii ay kusoo xero galin laheyd weeraryahanka reer France Karim Benzema.

Sidaa darteed shabakada Mirror ayaa xaqiijisay in Gunners-ka ay dalab £40m u gudbiyeen kooxda Real Madrid sidii xagaagan looga iibin lahaa Benzema.

Waa tilaabadii ugu horeesay oo ay Arsenal u qaaday dhanka Benzema madaama rabitaankeedii marka hore uu af ku ekaa.

Sidoo kale The Sun ayaa sheegay in Arsenal ay wada la furi doonto dhigeeda Real Madrid todobaadkan gudahiisa waxayna ka wada hadli doonaan qaabkii Benzema looga iibin lahaa.

27-jirkan awooda badan weli kooxdiisa Real Madrid uma cadeynin halka u mustaqbalkiisa ahaan doono waxaana la sadaalinaa in xagaagan la iibin doono.

Macalin Arsene Wenger taageero weyn ayuu u yahay Benzema wuxuuna aaminsan yahay in xagaagan uu heesto fursadii ugu wanaagsaneed ee uu weeraryahankan kula soo saxiixan lahaa.

Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegay in Madrid ay ku dooneyso Benzema £42.5m waana isla qiimahii 2-sano ka hor Arsenal kaga soo iibsatay kooxda reer Spain Mesut Ozil.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>