Home » Horyaalada » La Liga Spain » Arsenal Oo Dalab u Dirtay Laba Xidig Oo Barcelona Ah Kadib Markii Uu Ku Xumeeyay Marco Reus

Arsenal Oo Dalab u Dirtay Laba Xidig Oo Barcelona Ah Kadib Markii Uu Ku Xumeeyay Marco Reus


dani-alves-pedro-533882

Arsenal ayaa ku warantay iney 30 Malyan Oo Pound bisha January kusoo xerogalineyso laba xidig oo ka tirsan kooxda Barcelona kuwaas oo la hadal hayo iney isaga tagi doonaan kooxda ka dhisan gobolka Catalan.

Labadaan xidig waxaa sidoo kale indhaha ku haya kooxaha ay isku wadanka yahiin ee Liverpool, Manchester United iyo Chelsea, balse tartanka loogu jiro iyadaa hogaamineysa xiligaan.

Gunners ayaa u baahan gacan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxeyna markaan doonayaan iney helaan daafac dhanka midig ka weerar gala iyo xidig dhanka weerarka ah si ay kooxda u hesho ciyaartoy badan oo iskaabi kara.

Dani Alves imaanshahiisa Emirates wuxuu Wenger ka saacidi doonaa inuu booska kula dagaalamo Debuchy halka Chambers oo ku dhiban booskaas haatan uu usoo guuro daafaca dhexe.

Daafacaan reer Brazil qandaraaskiisa wuxuu ku egyahay June 2015, waxeyna Barcelona ku qasban tahay iney iska iibiso inta uusan xor kaga tagin, walow xidigaan aysan isku fiicneen waqtigaan maamulka kooxda.,

Dhanka kale Pedro ayaa ka carooday imaatinka Luis Suarez taas oo ku fogeyn karta keydka hoose, wuxuuna awal ku dhibanaa joogtiaanka Neymar.

Si Kastaba labadaan xidig waxaa laga yaabaa iney Emirates kasoo muuqdaan bartamaha xili ciyaareedkaan, madama Arsenal ay haatan soo bandhigtay aduun dhan 30 Malyan Oo Pound.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>