Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Dhigeeda Chelsea Kaga Guuleesan Rabto Saxiixa Joao Moutinho Oo Khadka Dhexe Kaga cayaara Monaco

Arsenal Oo Dhigeeda Chelsea Kaga Guuleesan Rabto Saxiixa Joao Moutinho Oo Khadka Dhexe Kaga cayaara Monaco


Moutinho

Shabakada The Express ayaa shaacisay in Arsenal ay haatan hormar wanaagsan ka sameesay qaabkii ay kusoo xero galin laheyd xidiga xulka Portugal iyo naadiga Monaco khadka dhexe kaga cayaaro Joao Moutinho.

Joao Moutinho xagaagan naadiga Chelsea ayaa lala xariirinaayay balse Blues wax hormar ah kama sameynin sidii ay kula soo wareegi laheyd 28-jirkan oo haatan la hadal haayo inuu Arsenal ka mid noqon doono.

Laacibkan waaya araga ah Arsenal waxay ku qaadan doontaa qiimo iska dhex dhexaad oo lagu sheegay £14m madaama uu isaga kooxdiisa Monaco ka dalbaday in xagaagan la iska fasaxo.

Moutinho xagaagii 2013 ayuu naadiga Monaco kaga soo biiray kooxda FC Porto balse haatan wuxuu doonayaa inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqo madaama uu xiiseenayo ka hoos shaqeynta macalin Arsene Wenger.

Arsenal waxaa bartilmaameed kowaa u ahaa William Carvalho balse xidigan dhaawac jab ah ayaa soo gaaray dhawaan midaasna waxay ku qasabtay Gunners-ka in haatan ay Moutinho saxiixiisa u dhaqaaqdo.

Arsenal waxay ku qasban tahay inay lasoo saxiixato kubad bur buriye tayo wanaagsan madaama Francis Coquelin aysan isku haleen karin ayadoo tartamo badan u dagaalami doonto xili cayaareedka cusub.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>