Sport Italia ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Arsenal ay dib usoo nooleesay xiisaha ay u qabto xidiga reer Ghana Kwadwo Asamoah kana tirsan naadiga Juventus.
Macalin Arsen Wenger ayaa xidigan garabka bidix ka cayaaro taageero weyn u ah wuxuuna ku hungoobay saxiixiisa labo jeer oo kala duwan 12-bilood ee ugu dambeesay.
Balse haatan waxaa la sadaalinaa in xagaagan ay saxiixa Asamouh ku guuleesan karto madaama xidigan xili cayaareedkan qaybtiisa labaad uu Juventus dhaawac kaga maqnaa haatana wey ka maarantaa.
26-jirkan kama mid ahan qorshaha macalin Allegri sidaa darteed Sport Italia ayaa sheegay in Asamouh uu kooxdiisa Juve ka dalban doono in dalabka Arsenal laga jawaabi.
Xidigan horey ugu cayaari jiray naadiga Udinesea ayaa dhowr sano si joogto ah Juventus ugu cayaarayay sidoo kalena ka mid ahaa xidigaha Serie A-da ugu wanaagsanaa.
Sidaa darteed Wenger ayaa aaminsan dalab 15-milyan oo euro ah inay kusoo qaadan karaan Asamouh oo ka cayaari karo garabka bidix ee daafaca iyo khadka dhexe.
Dhanka kale Asamouh ayaa soo gaabain doono fasaxa xagaagan uu ku qaadanayo qaarada Afrika wuxuuna doonayaa xidigan in xili hore xal loo helo mustaqbalkiisa cayaareed asigoo siweyn u xiisaneeyo inuu dalabka Arsenal ka faa’iideesto kana cayaaro Premiership-ka England.