Home » Horyaalada » Bundesliga » Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay £37million Kula Soo Saxiixato Xidigii Badali Lahaa Mesut Ozil

Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay £37million Kula Soo Saxiixato Xidigii Badali Lahaa Mesut Ozil


 Drexler

Sida aan kasoo xiganay wargeska Daily Express waxay kooxda Arsenal bisha Janaayo lacago badan kula soo saxiixan doontaa xidigii Mesut Ozil badali lahaa ama booska kula loolami lahaa.

Julian Drexler oo lambarka 10-aad kaga cayaaro naadiga Schalke 04 ayay kooxda Arsenal kula soo saxiixan doontaa £37million horaanta sanadka cusub wuxuuna wiilkan dhalinta yar gali doonaa booska Ozil oo dhaawac mudo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Arsenal mudo dheer ayay ku raad joogtay 20-jirkan sidaa darteed macalin Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu qasnada Gunners-ka markale dib u furo si uu Drexler bisha Janaayo gacanta ugu soo dhigo.

Sidoo kale Alexis Sanchez oo isagana Arsenal kusoo iibsatay £30million ayaa dhawaan macalinkiisa ka dalbaday in xidig tayo wanaagsan oo garabkiisa buuxin karo kooxda lagu soo biiriyo sidaa darteed Wenge ayaa diyaar u ah inuu Drexler kooxdisa kusoo kordhiyo si ay Arsenal awoodeeda isugu dheeli tirnaato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay £37million Kula Soo Saxiixato Xidigii Badali Lahaa Mesut Ozil

  1. abu ozil Reply

    11-October-2014 at 11:52 pm

    weyno sodhaweyneynaaa d’a yarkaan wuna anficidoonaaa wiliba aadoweyn viva arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>