Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Dooneysa Iney Bisha January Lasoo Saxiixato Daafaca Celtic Virgil van Dijk

Arsenal Oo Dooneysa Iney Bisha January Lasoo Saxiixato Daafaca Celtic Virgil van Dijk


Virgil van Dijk

Sida ay ku warantay Daily Express kooxda Arsenal ayaa dooneysa iney kasii taxadarto qatarta dhaawac ee lasoo darsi karta daafaceeda iyadoo u dhaqaaqday soo xerogalinta daafaca kooxda Celtic Virgil van Dijk.

Daafacaan heeraka caalami ayaa mudo badan lala xiriirinayay kooxdaan ka dhisan waqooyiga London, inkastoo xagaagan ay isku dayeen, balse kooxdiisa ayaan u ogolaan inuu ka dhaqaaqo.

Virgil van Dijk oo u dhashay dalka Holland ayaa lagu heli karaa sida la rajeynayo 8 Malyan Oo Pound, waana qiimo ka yar qiimaha uu ku doonayo daafacyada kale ee ay kooxda u baahan tahay.

Dhanka kale Arsenal haatan waxey qarka u saaran tahay iney dhibaato daafac la’aan la kulanto madama ay xanuunsanayaan Debuchy iyo Monrreal, waxaana kaliya u badqaba, Gibbs, Koscielny, Mertesacker & Chambers.

Ugu dambeyntii Arsenal waxey hogaanka u heysaa loolanka xidigaan loogu jiro waxaana la filayaa in xidigaan uu bisha January kasoo dago garoonka Emirates.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>