Garabka kooxda As Monaco iyo xulka Belgiumka Yannick Ferreira Carrasco ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal, iyadoo ku darsatay liiska xidigaha ay lasoo saxixianeyso xagaagan.
21-jirkaan heerka caalami ayaa si weyn uga soo ifay kooxda Monaco xili ciyaaredkaan, wuxuuna ka mid ahaa wiilashii Arsenal ka reebtay tartanka Champions League.
Sida ay qirtay Metro, macalin Arsene Wenger ayaa si qaas ah u dalbaday xidigaan si uu kooxdiisa ugu xoojiyo xagaaga soo aadan.
Yannick Ferreira Carrasco ayaa lagu wadaa inuu markii ugu horeysay kasoo muuqdo xulka Belgiumka kadib markii lagu daray xulkiisa waxeyna kulamo la ciyaari doonaan Cyprus iyo Isreal maalmaha fooda inagu soo haya.
Ugu dambeyntii Yannick Ferreira Carrasco ayaa ah xidiga dhaliyay goolka ay u dhimatay Arsenal ee ahaa midkii sadexaad ee ay Monaco ku dhalisay Emirates bishii February.