Laba gool oo uu dhaliyay Olivier Giroud qeybtii hore ciyaarta ayaa guul ciriiri ah siisay Arsenal kadib markii ay St James Park ugu martiyeen kooxda Newcastle United.
Guushaan Arsenal waxey gaarsiisay iney kusii adkeysato kaalinta sadexaad ee horyaalka iyadoo wali hal dhibic oo qura ka hooseysa Manchester City.
Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolka furitaanka kadib markii uu si fiican u dhameystiray kubad uu madaxa kusoo tuuray Danny Welbeck daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.
Mar kale Olivier Giroud ayaa ugu shubay gool kale Newcastle United daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta wuxuuna madaxa ku dhameystiray kubad uu dhinaca ka keenay Cazorla.
Labadaan gool waxey ka dhigan yahiin in Olivier Giroud uu sideed gool ka dhaliyay 6-kulan oo uu ka hor yimid Newcastle, sidoo kalana 10-gool ayuu dhaliyay 8-dii kulan ee ugu dambeysay horyaalka EPl-ka.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Arsenal, balse isku soo laabashadii qeybta labaad ee ciyaarta Newcastle ayaa bilowday iney cadaadis xoog leh saarto goolka Arsenal.
Moussa Sissoko ayaa si sahlan u dhameystiray daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta kubad uu dhinaca ka keenay Remy Cabella.
Arsenal ayaa jaanta isla weysay wixii ka dambeeyay goolkaas, waxaana dhowr jeer ay isku dayeen wiilasha Magpies-ka iney gool barbaraha helaan.
Ayoze Perez iyo Ameobi ayaa laba jeer u dhawaaday iney barbaro helaan balse goolhaye Ospina ayaa ka diiday waxaana ugu dambeyntii ciyaarta ay ku dhamaatay 2-1.
Guushaan Arseanl waxey ka saaciday iney kaalinta sadexaad adkeysato sidoo kalana ku dhawaato kooxda Manchester City oo kaalinta labaad ku jirta.