Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixeysa Wilshere & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah

Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixeysa Wilshere & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah


Suuqa

Ramadaan Kariim, Jimco wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Axad ah.


Watford ayaa iska diiday dalab ay Swansea City kasoo gudbisay weerarkeeda Troy Deeney iyadoo dooneysa  iney xagaaga soo aadan ku dagaal tagto. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa dooneysa iney heshiis cusub oo shan sano ah ka saxiixdo Wilshere isla markaana ay lacagaha u kodhiso si ay ugu sii heyso Emirates. (Daily Mirror).

Goolhaye Jasper Cillessen ayaa aaminsan in kooxdiisa Ajax ay awood u leedahay iney ka hor istaagto ku biiritaanka kooxda Manchester United. (Daily Mirror)

Kyle Walker ayaa isaga tagaya kooxda Tottenham Hotspur madama ay soo iibsadeen daafacii Hull City Kieran Trippier. waxeyna Spurs qudheeda diyaar u tahay iney dhageysato dalabyada xidigaan laga soo gudbinayo. (Daily Mail)

Tottenham Ayaa tartank xoogan ugu jirta soo xerogalinta xidiga kooxda Lyon Clinton N’Jie iyadoo ku dooneysa 12 Malyan Oo Pound, waxaana xidigaan lagu tilmaa Samuel Eto’o-ga cusub. (The Sun)

Tababaraha cusub ee Newcastle United Steve McClaren ayaa doonaya in Mourinho uu fasax u siiyo inuu la hadlo Patrick Bamford si uu ugu qanciyo xidigaan inuu St James Park yimaado. (The Sun)

Kevin De Bruyne ayaa labada isbuuc ee soo aadan wadahadal xasaasi ah la yeelanaya kooxdiisa iyadoo ay xidigaan aad u xiiseynayaan kooxaha reer Manchester ee United iyo City. (The Sun)

Chelsea ayaa isha ku heysa soo xerogalinta xidiga reer Belgium ee Tottenham Hotspur Mousa Dembele si ay u xoojiso qadka dhexe 12 Malyan ayeyna ku rabaan. (The Sun)

Tottenham iyo Watford ayaa ku dagaalamaya saxiixa Mohamed Salah oo amaah lagu heli karo iyadoo Pochettino uu la doonayo inuu badal uga dhigo xidgiaan Lennon. (Daily Star).

West Bromwich Albion Ayaa da’yarkooda Saido Berahino ku dooneysa 30 Malyan Oo Pound waxaana ku dagaalamaya saxiixiisa kooxaha Arsenal, Spurs, Newcastle iyo Man City. (Daily Star).

Jack Wilshere ayaa rajo galinaya Manchester City kadib markii uu hoos u dhigay suuragalnimada ah inuu kusii nagaado Emirates waxeyna ku dalban karaan 40 Malyan Oo Pound. (Daily Star).

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>