Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Heshiis La Gaari Rabto Goolhayaha Waaya Araga Ah Ee Kooxda AC Milan Ka Tirsan

Arsenal Oo Heshiis La Gaari Rabto Goolhayaha Waaya Araga Ah Ee Kooxda AC Milan Ka Tirsan


Amelia

Wargeska The Metro ayaa sheegay in Arsenal ay dhameyn rabto heshiiska ay ku qaadaneyso goolhayaha waaya araga ah ee kooxda AC Milan ka tirsan Marco Amelia.

Arsenal ayaa gelin doonto Armelia booska goolhaye Wojciech Szczesny oo kusii dhawaanayo ku biiritaanka Roma kadib markii uu diiday inuu Emirates baaqi kusii ahaado.

Joornaalistaha la tixgaliyo ee reer Talyaani Gianluca Di Marzio ayaa si rasmi ah u sheegay in goolhaye Marco Armelia uu heshiiska shaqsiga ah kooxda Arsenal la gaaray iskuna diyaarinaayo inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Waqooyiga London.

Armelia hadalka laga soo xigtay sidaan ayuu u qornaa “Arsenal waxaan la gaaray heshiis qarsoodi ah mana doonayo inaan wax badan ka sheego”

“Waxaan ahay 33-jir waana da’yarahay marka laga hadlaayo da’da ay goolhayeyaasha garoomada ugu sii jiri karaan”

“Waxaan doonayaa inaan isbadal sameeyo sidoo kalena aan sanado badan kubada cagta kusii dhex jiro”

Waxaa lala yaaban yahay doorka uu goolhaye Marco Armelia ku yeelan doono garoonka Emirates madaama goolhaye  David Ospina uu go’aansaday inuu sii joogo sidoo kalena Petr Cech isagana waa goolhayaha kowaad ee kooxda Arsenal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>