Tom Cleverely xili cayaareedkan wuxuu qaab amaah ah kula joogaa naadiga Aston Villa waxaana la filaa in xagaagan uusan dib ugu laaban doonin Old Trafford madaama uusan kalsooni ka heesanin macalin Luis Van Gaal.
Tom Cleverely asigoo 11-jir ah ayuu kooxda Man United ka mid noqday balse xidigan marnaba uma suura galin inuu Old Trafford kasoo dhalaalo sidaa darteed Cleverley ayaa doonayo inuu nasiibkiisa meel kale ku tijaabiyo.
Sky Sports ayaa sheegay in 25-jirkan ay saxiixiisa ku raad joogaan ugu yaraan 5-naadi oo kala ah Aston Villa, Everton, Tottenham Hotspur, West Ham United, iyo Arsenal waxaana la filaa in Man United ay xagaagan qiimo sareeyo xidigan ku hesho.
Sky Sports ayaa sidoo kale sheegtay in Arsenal ay haatan hogaanka u heyso saxiixa Cleverley madaama ay xidigan u balan qaaday mushaar wanaagsan iyo boos inuu ku yeesho garoonka Emirates.
Cleverley waagii uu Man United ka tirsanaa ay Arsenal saxiixiisa ku hungowday balse haatan macalin Asrene Wenger si sahlan ayuu ku heli karaa madaama Man United aysan u baahneyn xagaagan.