Madaama Chris Smalling uu kooxda Man United heshiis cusub u saxiixay haatan Arsenal daafacan wey ka quusatay waxayna diirada saari doontaa sidii ay kula soo wareegi laheyd Jonny Evans oo isagana Man United daafaca dhexe kaga cayaaro.
Wargeska The Belfast Telegraph ayaa sheegay in Evans uusan ka mid ahayn qorshaha macalin Luis Van Gaal madaama Man United xagaagan lasoo saxiixan doonto Mats Hummels.
Sidaa darteed Arsenal ayaa daafacan waaya araga ah qiimo jaban ku heli karto waxaana kubada uu cayaaro si gaar ah u xiiseeyo macalin Arsene Wenger.
Arsenal ayaa dooneyso inay Evans garoonka Emirates keento si uu daafacan u xaliyo dhibaatada dhanka daafaca dhexe ka heesato sidoo kalena wuxuu xidigan booska kula tartami doonaan Pep Mertesacker.
Warar dheeraad ah ayaa sheegayo in Arsenal ay Evans ku qaadan doonto xagaagan 10-milyan oo pound madaama daafacan kooxdiisa Man United uusan muhiim u ahayn.