Wararka ka imaanayo daka Russia ayaa sheegayo in kooxda Zenit ay dalab ku aadan Ezequiel Garay ka heshay naadiga Arsenal.
Daafacan waaya araga ah haatan xulkiisa Argentina ayuu kala qayb qaadanayaa tartanka Copa America sidaa darteed Arsenal waxay dooneysaa inay naadiga Zenit kala heshiiso qaabkii ay Garay ku heli laheyd.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Arsenal dalab £13m ay naadiga Zeint u gudbisay waxaana la filaa in kooxda reer Russia ay dalbkan aqbasho madaama ay Garay qiimo ahaan naadiga Benfica kaga soo iibsatay £4m.
Sidoo kale Garay ayaa diyaar u ah inuu isbadal xagaagan sameeyo madaama uu xidigan la qabsan waayay kubada dalka Russia asigoo dhibsaday qabowga daran ee halkaas ka jiro.
Ezequiel Garay mudo dheer kooxda Man United ayaa ku raad joogtay xiligii uu naadiga Benfica ka tirsanaa balse uma aysan suura galin daafacan inuu EPL usoo dhaqaaqo.
Waxaana la sadaalinaa in xagaagan uu heesto fursadii ugu wanaagsaneed ee uu horyaalka England kusoo aadi lahaa.
Inkastoo Arsenal ay dadaal xoogan ugu jirto saxiixa Ezequiel Garay hadana kooxdan waxay beenisay inay iska iibin doonto daafaceeda ugu muhiimsan Laurent Koscielny.