Arsenal ayaa ku warantay iney la kulantay maamulka kooxda Palermo iyadoo ku rajo weyn iney ka dhaadhiciso iney ka iibiyaan da’yarka reer Argentina Paulo Dybala.
Xidigaan reer Argentina ayaa kasoo hilaacay horyaalka talyaaniga xili ciyaareedkaan, wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda goolasha ugu badan ka dhaliyay.
Iyadoo ay sidaas tahay hadana xidigaan waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxaha Paris Saint Germain iyo Juventus oo aad ugu baahi qaba saxiixiisa.
Si kastaba Metro ayaa ku warantay in kooxda waqooyiga London ka dhisan ay wadahdalo la fureyso maamulka kooxda si looga iibiyo xidigaan ku wanaagsan gool dhalinta.
Kooxda Palermo waxey dooneysaa iney xidigeeda ku hesho lacago fiican iyadoo dul dhigtay 28.9 Malyan Oo Pound.
Ugu dmabeyntii Dybala xili ciyaareedkaan wuxuu Serie A-da ka dhaliyay 12-gool, 27-kulan oo uu saftay.