Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Ku Guuleesan Karto Saxiixa Isco Kadib Qilaaf Soo Kala Dhex Galay Xidigan Iyo Macalinkiisa

Arsenal Oo Ku Guuleesan Karto Saxiixa Isco Kadib Qilaaf Soo Kala Dhex Galay Xidigan Iyo Macalinkiisa


Real Madrid's "Isco" celebrates after scoring a goal against Galatasaray during their Champions League soccer match in Madrid

Kubad sameeye Isco mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou ma wanaagsano sidoo kalena xidigan waxaa siweyn loo sadaalinaa inuu xagaagan Spain isaga hayaamo.

Isco waxay si gaar ah isugu dhaceen macalin Carlo Ancelotti haatana waxaa lagu daray liiska xidigaha Real Madrid xagaagan iibin doonto.

23-jirkan wuxuu iska diiday dhaliil kaga timid macalinkiisa Ancelotti oo k tilmaamay Isco mid kooxda aan ka muuqanin 6-todobaad ee ugu dambeesay.

Balse Isco ayaa arinkaas iska diiday wuxuuna dhaliisha dusha kaga tuuray macalin Ancelotti iyo sida uu Madrid u cayaarsiiyo.

Wargeska Metro ayaa sheegay in kooxda Arsenal ay ka faa’iideesan doonto qilaafka dhex yaalo Isco iyo macalinkiisa.

Waxayna Arsenal qorsheeneysaa inay xagaagan dhigeeda Madrid miiska u saarto £32.9m waana qiimaha ay Real Madrid horey u sheegtay inay Isco kaga samri karto.

Balse wargeska Metro ayaa sheegay in macalin Arsene Wenger uusan Isco u balan qaadi karin boos joogto ah madaama uu heesto xidigo ku boos ah sida Santi Cazorla, Tomas Rosicky, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Theo Walcott.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>